Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Bulugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay wadaa dadaallo muhiim ah oo lagu wacyigelinayo isla markaana lagu diyaar-garoobayo xaaladaha cimilada ee adag ee ka dhalan kara Super El Niño 2026.

Dadaalladan ayaa diiradda saaraya sidii loo badbaadin lahaa nolosha kalluumaysatada, hantidooda, iyo bulshada ku nool deegaanada xeebeedka ah ee ay saamaynta tooska ah ku yeelan karaan roobabka dabaylaha wata iyo fatahaadaha.